Saraakiisha Kismaayo ee Dowladda oo ka hadlay dagaal ka dhacay Kismaayo

Muqdisho(Rajonews)Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka JUbadda hoose ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal kla dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi Jubadda Hoose.

C/laahi Coloow oo kamid ah Saraakiisha Milateriga Dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeen kooxda Shabaab.

Wuxuu sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab oo tiro ahaan gaaraya ilaa 10-ruux kuwaasi oo Magaalada lug kusoo galeen islamarkaana ay rasaas yar yar ka fureen xaafada Farjano.

Hadalkiisa ayuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dileen labo kamid ah kuwa Shabaab ee weerarka soo qaaday islamarkaana ay iska caabiyeen oo ay Magaalada kasaaareen Shabaab.

Al-Shabaabka weerarka kusoo qaaday Magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay lug kusoo galeen gudaha Magaalada islamarkaana ay ka yimaadeen dhanka duurka ah sida uu sheegay.

Al-Shabaab dhankooda ilaa iyo iminka kama aysan hadlain dagaalka ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose oo ay iminka ku sugan yihiin Shabaab iyo ciidanka Kenya

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.