Warar-kii u Danbeeyay ee Hargaysa oo ay Xalay Rabshado Dad ku dhintay ay kadhaceen+(Dhagayso)

Hargeysa-(Rajonews) iyadoo ay soo gabogaboobeen Doorashooyinkii Maalmahan kasocday Deegaanada Soomaaliland,ayaa waxaa soobaxaya Cabashooyin ka imaanaya Qaar kamida Axzaabta Siyaasadeed ee ka qeeyb qaadanayay Doorashooyinka.

Waxaa Xalay Magaalada Hargeysa ay Guddiga Doorashooyinku ku dhawaaqeeyn Natiijadii ugu danbeeysay ee Xisbiyada ku Guuleeystay kana soobaxay Magaalada Caasimada ah ee Hargeeysa,iyadoona wax yar kadib ay Bilaabmeen Rabshado Dagaal iyo Gacan kahadal isku badalay markii danbe.

Wararkii u danbeeyay ee Hargeeysa ka imaanaya ayaa waxay sheegayaan in Xalay hal qof uu kudhintay Rabshadahaa Hargeeysa kadhacay,iyadoona sidookale wararku ay sheegayaan in Qof kale Maanta uu ku dhintay Degmada Axmed Dhagax ee Magaaada hargeeysa oo ah halka markii hore ay ka bilaab-meen Rabshaduhu.

 

halkan ka Aqriso sida ay Xisbiyadu ugu kala cod badan yihiin Magaalada Hargaysa ee Caasimada Soomaaliland.

1-Kaalinta koowaad Xisbiga Kulmiye oo helay 7 Kursi

2-Kaalinta Labaad Xisbiga Ucid oo helay cod 4 kursi

3-Kaalinta sadexaad Ururka Wadani oo Helay 4 Kursi

4-Kaalinta Afraadna Ururka Xaqsoor oo helay 4 Kursi

5-Kaalinta Shanaadna ururka Umadda oo helay 3 Kursi

6-Kaalinta Lixaadna Ururka Dalsan oo helay 2 kursi

7-Kaalinta Todobaadna ururka Rays oo helay 1 kursi
sidookale halkan kadhagayso Rabshada Hargaysa kadhacay oo faahfaahsan.

 

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.