Xaalada deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe oo degan kadib dagaal ka dhacay

Muqdisho(Rajonews)Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe xaalad daganansho ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka lagu magacaabo koongo oo ka tirsan Gobalkaasi.

Kadib dagaal halkaasi ka dhacay saaka kaasi oo dhexmaray cidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab oo Dowladda dagaal xoogan kala soo horjeeda.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaan faahfaahin ka bixin dagaalkaasi laakiin wararka ayaa sheegayaa in dagaalka ay qaaden ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ujeedkana uu ahaa in deegaankaasi laga saaro Shabaab.

Xaalada ayaa iminka waxa ay tahay mid degan inkastoo Al-Shabaab Jowhar ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan oo ay ku doonayaan inay ku weearraan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.

Ciidamada huwanta ah ayaa ujeedkooda wuxuu yahay inay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.