Booliiska Galmudug oo gacanta ku dhigay ruux Ajnabi ah

Muqdisho(Rajonews)Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegayaa in ciidamada ammaanka ee Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan kuwa Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen ruux ajnabi ah.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska Galmudug howlgal ay xalay ka sameeyeen Magaaladaasi ayeey kusoo qab qabteen ruuxaasi ajnabiga ah.

Xilli uu maraye meel aan ka fogeyn guriga uu Magaaladaasi ka dagan yahay Madaxweynaha Galmudug C/xasan Cawaale Qeybdiid ayaay ciidanka Booliiska waxa ay ku amreen inuu istaago hayeeshe uu ka biyo diiday arintaasi.

Rasaas ayaa la sheegay in ciidamada ay ku fureen taasi oo dhaawac ugeestay ruuxa ajanbiga ah kadibna ay ciidamada gacanta kusoo dhigeen.

Saldhiga Magaalada ayaa la sheegay in iminka lagu haayo halkaasi oo su’aalo lagu weeydiinayo islamarkaana ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano.

Lama sheegin ilaa iyo iminka dalka u udhashay hayeeshe waxaa la sheegay in la qabtay ruux ajnabi ah kaasi oo Magaalada Gaalkacyo ujeedka uu ujoogay aan la garaneyn.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.