Booliiska Kenya oo sheegay in qaraxii Islii ka dhacay uu ka duwanaa qaraxyadii hore

Muqdisho(Rajonews)Saraakiisha ciidamada Booliiska dalka kenya ayaa ka hadlay qarax khasaaro geestay oo ka dhacay dalkaasi kenya kaasi oo ay sheegeen inuu ka duwanaa qaraxyadii hore.

Eric Kerith oo ah afhayeenka ciidamada Pooliiska Kenya ayaa waxa uu ka warbixiyay qaraxii ugu danbeeyay ee dalka Kenya gaar ahaan qaraxii xalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay.

Sarkaalkaan ayaa ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inay jiraan xil iska saaris la’aan oo ka imaaneysa dhanka ciidamada Pooliiska ah oo iyagu ilgaar ah ku eegeyn ama aan adkeyneynin ammaanka guud ahaan deegaanada dalka Kenya.

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya gaar ahaan ciidamada quseeya sugida ammaanka Nairobi ilaa iyo haatan mahayaan wadadii lagu xaqiijinayay ammaanka waayo maalin waliba waxaa dhaca weerar qaraxyo ah.waxayna awoodi la’yihiin inay xil iska saaraan adkeynta ammaanka.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa ugu danbentiii waxa uu shaaca ka qaaday in iminka ay bilaabi doonaan la xisaabtan dhanka ammaanka ah waxii haatan ka danbeeya.

Waxa uuna hadalkaan ka soo baxay taliska ciidamada Poliiska Kenya ku soo aadaya iyadoo qaraxyada silsilada ay ku sii badanayaan dalka Kenya.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.