Dhageyso:Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo noqday aadna uga hadlay qaraxii dalka Kenya

Muqdisho(Rajonews)Garoonka Muqdisho waxaa Madaxweynaha dalka Soomaaliya kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxaafada Muqdisho Garoonka kula hadlay ayaa wuxuu ugu horeyn ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii oo ay Soomaalida ku badan tahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in madaxda dalka Kenya uu uga tacsiyadeynayo shacabkii halkaasi kaga dhinteen isaga oo kuwa dhaawaca ahna urajeeyay inuu Alle caafiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta dalka Kenya qaraxyada looga geysanayo ay tahay taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in arintaasi ay tahay arin aad ufool xun.

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MADAXWEYNAHA UU GAROONKA MUQDISHO SAXAAFADA KUSIIYAY

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya safarkiisa dalka Turkiga isaga oo sheegay in Turkiga madaxdooda ay soo kala sixiixdeen heshiisyo caalami ah oo ku saabsan horumarada dalka Soomaaliya.

Sanadka cusub ayuu sheegay inuu furmi doono waji cusub oo wada shaqeyn ah oo dhexmari doonta Dowladda dalka Turkiga iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Safarkiisa ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliye wasiirada arimaha dibada,Gaashaandhiga,iyo Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.