Madaxweynaha Turkiga oo ku baaqay in sanduuq caalami ah loo sameeyo ciidamada Soomaaliya

Muqdisho(Rajonews)Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul ayaa ku baaqay in la sameeyo sanduuq dhaqaalo loogu uruuriyo ciidamada Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka dalka.

wuxuuna hadalkani sheegay isagoo ka hadlayey codsi uga yimid dowladda Soomaaliya oo ka dalbatay dowladda Turkiga iyo beesha caalamka in gacan laga siiyo dib u dhiska ciidamada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inay tahay in la caawiyo Soomaaliya, iyadoo aanan waxba looga bedelaneynin caawinta badalkeeda, ama inay wax abaal gud ah sameyso, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Turkiga intii karaankeeda ah ay gacan siin-doonto sidii ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagi laheyd.

Qorshahan ku aadan in sanduuq gaar ah loo furo ciidamada dalka Soomaaliya iyo dib u dhiskooda ayaan la ogeyn in sida ay u rabto Soomaaliya looga jawaabayo, waxaase la sheegay in haddii uu hirgalo qorashani ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya dhinacyada mushaaradka ciidamada iyo agabka ay ciidamadu u baahanyhiin, inkastoo ay arrintaasi saameyn weyn ku yeelaneyso cunaqabtenta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in dowladdihii KMG ahaa ee soo maaray dalka Soomaaliya  ay horey ugu  tiirsanaayeen deeq bixiyeyaal talo iyo go’aanaba ku lahaa howlgalada  dalka ka socday.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.