Amiirkii Ururka Al-Shabaab ee ciidanka Xisbada Degmada Wanlaweyn oo maanta lasoo bandhigay

Muqdisho(Rajonews)Taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha hoose ay isu soo dhoobeen ragan Shabaabka ah.

Wuxuu sheegay in raga isa soo dhiibay ay kala yihiin amiir ciidan oo Shabaab ka tirsanaan jiray iyo askari Shabaab ah oo Gobalka Shabeelaha Hoose ka howlgeli jiray.

Amiirka ayuu sheegay inuu ka howlgeli jiray Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo uu ka ahaa taliyaha ciidamada Xisbida ee Shabaab.

Wiilka kale ee la sheegay inuu ka tirsan yahay Shabaab ayaa isna wuxuu ka howlgali jiray magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose sida uu sheegay taliyaha Nabadsugida Gobalka Banaadir.

Dhalinyarada lasoo bandhigay ayaa diiday inay la hadlaan warbaahinta hayeeshe waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayna isaga baxeen iminka.

Taliska ciidamada Nabadsugida ee Gobalka Banaadir ayaa soo bandhiga raga kasoo goosta Shabaab ee isku soo dhiiba Dowladda Soomaaliya.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.