Ciidamada Dowladda oo dib uga soo baxay Mahadaay iyo Shabaab oo duleedka Mahadaay buuxa

Muqdisho(Rajonews)Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe oo maanta ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gudaha ugaleen ayna goordhaweyd dib ay uga soo noqdeen Magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegayaa in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka baxeen Mahadaay islamarkaana markii ay saaka galeen Degmada Mahadaay ay tageen xarunta Degmada,Saldhiga Degmada iyo goobo kale.

Gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay dib uga soo baxeen Magaalada kuwaasi oo aaday dhanka Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Lama oga sababta ka dambeysa in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dib uga soo baxaan Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay maanta la wareegeen.

Wararka ayaa sheegayaa in ciidamo badan oo Shabaab ah ay ku sugan yihiin Duleedka Degmada Mahadaay islamarkaana aysan gudaha usoo galin Magaalada iyadoo shacabka Magaalada ay isweeydiinayaan sababta ciidanka Dowladda Soomaaliya ay dib uga baxeen Magaalada Mahadaay.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha Dhexe kama aysan hadlin qorshaha sababay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dib uga baxeen Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.