Siyaasi Salaad Cali Jeele oo soo dhaweeyay la wareegida Degmada Jowhar eedeeyayna Dowladii Shariif

Muqdisho(rajonews)Iyadoo maanta ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay si buuxa ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa mid kamid ah Xildhibaanadii hore ee kaso jeeda Gobalkaasi wuxu soo dhaweeyay arintasi.

Salaad Cali Jeele ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhaqaaqeen tallaabo horumar leh oo ku aadan gacan ku haynta Degmada Jowhar sida ay maanta ula wareegeen.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqeen talaabo horumar leh oo ku aadan hanaanka Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay maanta magaalo madaxdeeda la wareegeen.

Dowladii uu hogaamin jiray Shariif Sheekh Axmed ayuu eedeen ujeediyay isaga oo ku eedeeyay inay la shaqeyn jirat Al-Shabaab islamarkaana ay doonaysay in Shabaab ay maamulaan Gobalka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar.

Hadalkiisa ayuu intaasi wuxuu ku daray in ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay unaxaan shacabka Gobalka Shabeelaha Dhexe oo aysan dhibaateen isalmarkaana ay dhaqaaleey ciidanka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.