Wasiirka warfaafinta oo sheegay in Idaacad aysan Dowladda ka warqabin Muqdisho laga furi karin

Muqdisho(Rajonews)Wasiirka warfaafinta Xukuumadda soomaaliya ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in Idaacad aan Dowladda Soomaaliya ogolaansho ka heysan aan laga furi karin gudaha Magaalada Muqdisho.

C/laahi Ciilmooge Xersi Wasiirka cusub ee wasaarada Warfaafint oo maanta ka hadlaye kulan uu maanta la qaatay Ambassador Mahiiga xilli ay kala saxiixanayeen heshiis caalami ah ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay koontarooli doonto Warbaahinta Muqdisho.

“Wasaarada warfaafinta Idaacad aysan ka warqabin dalka lagma hergelin karo dadkii sameeyana arintaasi Dowladda Soomaaliya waxa ay ka qaadaysa tallaabo cad oo ku qotonta qaladka ay galeen”Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Shirkaaha dhanka Isgaarsiinta dalka Soomaaliya ay la geli doonaan xisaabtan ballaaran oo ku aadan sida ay ku shaqeeyaan isgaarsiinta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay in dib loo soo celin doono adeegii Boostada iyo Isgaarsiinta dhawaanna lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag deyman ahaa oo lagu lahaa.

Hadalkaan ayuu maanta ka jeediyay Xilli uu ka guddoomay qalab kala duwan xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Idaacada Dowladda iyo Tvga qaranka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.