Dhageyso:AMISOM oo sheegtay in muhiimad ay uleedahay qabsashada Jowhar

Muqdisho(Rajonews)Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ciidamada AMISOM ay kula wareegeen Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Cali Aadan Xumad oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in dadaalka maalmahan loogu jiray in lala wareego Magalada Jowhar ay tahay mid shalay ciidamada AMISOM ay ku guuleesteen.

Wuxuu sheegay in qabsashada Degmada Jowhar ay muddo ku qaadatay islamarkaana ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si nabadgalyo ah ay kula wareegeen Magaalada.

Xeelad Milateri oo aan dhiig ku daadan ayuu sheegay inay kula wareegeen gacan ku haynta Gobalka Shabeelaha Dhexe oo muddo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku taamayeen.

Cali Aadan Xumad mar aan wax ka weydiinay qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada ayuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomalaiya aysan qaraxaasi khasaaro kasoo gaarin.

Qorshaha xiga Degmada Jowhar ee ay la wareegayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay arimo Milateri hayeeshe howgalka shabeelaha Dhexe uu yahay mid sii socon doono.

Dhalinyarada kujira Ururka Al-Shabaab ayuu ugu baaqay inay joojiyaan dagaalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya oo ay Dowladooda dhinac kasoo raacaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO AFHAYEENKA AMISOM WAREYSIGIISA

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.