Dhagabadan oo sheegay in ciidamo Nabadsugid iyo Booliis la geynayo Jowhar

Muqdisho(Rajonews)Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qabashadii magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Abaanduulaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya  Cabdikariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” ayaa ka hadlay isbedelka magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.

Dhagabadan ayaa sheegay in ciidamo Boolis ah iyo kuwa Nabadsugid ah la geyn doono magaalada Jowhar iyo Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo shalay ay la wareegeen ciidamada dowlada.

Sidoo kale abaanduulaha ayaa sheegay in ciidamada Meletariga ay guteen waajibaadkii saarnaa oo ahaa inay magaalo xoreeyaan,waxaana uu xusay in ciidamada booliska iyo kuwa Nabad sugida uu horyaalo waajibaad.

Ciidamada Meletariga ayuu sheegay inay ku sugan yihiin duleedka magaalada Jowhar iyo duleedka degmada Mahadaay taasi oo qeyb ka ah sugida iyo adkeynta amaanka.

 Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.