Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in ciidanka Milateriga dhawaan Muqdisho laga saarayo

Muqdisho(Rajonews)Sida uu sheegay Madaxweyne Xasan waxaa sii kordhay cabashada ka imaanaysa shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan in dhibaato uu ugeestay askari ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay badatay cabashada shacabka Soomalaiyeed kasoo yeeraysa ee ku aadan askariga wata hubka ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ee dadka dhibaateeya.

Wuxuu sheegay in dhawaan laga uruurin doono Magaalada Muqdisho lana geyn doono xerooyin loogu talo galay ciidanka Dowladda Soomaaliya oo laga sameyn doono daafaha Magaalada Muqdisho.

“Askarta marka la uruuriyo ee xeradaas la geliyo kadib markuu soo baxayo waa labo mid waa mar uu shaqo soo aadaayo oo qorigiisa uu wata iyo mar uu bilaa qori yahay oo qaraabo salaan soo aadayo”Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in marwaliba Dowladda Soomaaliya ay cafis siinayso dhalinyarada ku jira Al-Shabaab ee Dowladda dagaalka kala horjeeda hadii ay kasoo baxaan ururkaasi.

Hadalka Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay qaati ka taagan yihiin qaar ka tirsan ciidanka Dowladda oo caadeestay dhibaateenta shacabka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.