Maleeshiyaadka Raaskaambooni oo afar haween ah ku dilay Kismaayo

Muqdisho(Rajonews)Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose ciidamada Ururka raaskaambooni ayaa halkaasi waxa ay ku dileen haween ku sugnaa Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ururka Raaskaambooni ay ka warheleen guri ku yaala Magaalada Kismaayo oo lagu daweynaye nin sid la sheegay islamarkaana gurigaasi ay weerar ku qaadeen.

Ciidanka Raaskaambooni ayaa isku hareeray guud ahaan Guriga iyaga oo doonaye inay gudaha ugalaan hayeeshe haween afar gaaraya ay kasoo horjeesteen ibnay galaan guriga taasi oo ugu dambeyn sababtay inay dilaan.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay haweenka kadib markii ay ka dhago adeegeen amar ay siiyeen ayaa waxay sababtay in afar haween ah ku dhinteen rasaastaasi.

Ciidamada markii ay gudaha guriga ugaleen ayaa waxa la sheegay inay goobta kusoo arkeen faashado dhiig leh oo loo maleynayo in shabaab dhaawac ahaa halkaasi lagu daweynayey.

Afarta Haween ee lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Raaskambooni sheegeen afarta haween ee la dilay ahaayeen kuwo shabaab ahaa saacadaha soo socdana faah faahino ka bixin doonaan.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.