Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay qabsashada Degmada Jowhar

Muqdisho(Rajonews)Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay qabsashada Magalaada Jowhar oo ay qabsadeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Qoraalka lagu daabacay Boga Twiterka ee ay Al-Shabaab ka isticmaalaan Inetrnetka ayaa lagu sheegay in ciidamada Shabaab ay xeelad dagaal uga baxeen Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Qoralka Shabaab ayaa lagu sheegay inaysan marnaba meesha ka bixin awooda Shabaab ay u leeyihiin dagaalka ka socda dalka Soomaaliya iyo midka ay kula jiraan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale qoraalka ay barta Twiterka Shabaab ay kusoo daabaceen ayaa waxaa lagu sheegay inay taagan tahay awooda Shabaab marwaliba iminkana ciidamada Shabaab aysan ka fogeyn Magaalada Jowhar balse ay ku sugan yihiin duleedka Degmadaasi iyo sidoo kale duleedka Degmada Mahadaay.

Ugu dambeyn waxaa qoraalka lagu sheegay inay ciidamada Shabaab ku sugan yihiin meel aan sidaasi kaga fogeyn jowhar xilli walibana ay suuragal tahay in ciidamada AMISOM ay la kulmaan weeraro ku dhofo oo ka dhaqaaq ah.

Al-Shabaab ayaa shalay waaye maamulka Degmo muhiim u ah gacan ku haytooda waxaana Degmada Jowhar ay noqonaysaa Magaalo Madaxdii ugu dambeysay ee ka baxda gacanta Shabaab.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.