Wasiirka gaashaandhiga iyo Saraakiil ciidan oo tagay Jowhar

Muqdisho(rajonews)Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed C/qaadir Sheekh Cali Diini Taliyaha howlgalinta ciidamada AMISOM iyo sidoo kale saraakiil kale.

Isaga oo ku sugan magaalada Jowhar ayuu Raadiyaha Dowladda wuxuu usheegay in socdaalkooda uu yahay ukuurgelida xaaladaha Magaalada Jowhar iyo soo indha indheynta goobaha ay qabsadeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in la isku furo Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho si nabadgalyo ahna shacabka Soomaaliyeed ay ugu socdaalaan.

Fiqi ayaa sheegay in qorshaha xiga Degmada Jowhar uu yahay Magaalada Buulo Burte oo ay iminka ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab.

Socdaalka Wasiir Fiqi uu maanta ku tagay Degmada Jowhar ayaa waxa ay kusoo aadaysaa maalin un kadib markii ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Jowhar.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.