Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in Shabaab itaal daro ay soo food saartay

Muqdisho(Rajonews)C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in awooda Shabaab ay meesha ka baxday islamarkaana iminka ay kusoo uruureen hal qorshe oo kaliya.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay iminka miciin bidayaan kaliya weeraro nooca loo yaqaan ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ku qaadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaabka Gobalka Shabeelaha Hoose meelaha ay weerarada kasoo qaadana ay tahay goobaha jiqda ah islamarkaana iminka uu socdo qorshe ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay ku jarayaan geedaha Shabaab ay ku dhuuntaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in horaanta sanadka cusub ee fooda inagu soo haayo dalka Soomaaliya laga qaadi doono cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya si loo dhameestiro howlgalka dalka ka socda ee Shabab looga saarayo.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM shalay ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.