Xaalada Jowhar waa sidee saaka,maxeyse ku waaberiisatay

Muqdisho(Rajonews)Kadib la wareegitaanka ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa xalay waxaa halkaasi ka dhaqan galay Bandoow ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kusoo rogeen Magaaladaasi.

Guud ahaan Magaalada Jowhar xaafadaha ay ka kooban tahay waxaa xalay xiray ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ilaalo xoogan ka haye si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Qaar kamid ah dadka ku nool Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya xalay oo dhan ay dhexwareegayeen xaafadaha Magaaladaasi kuwaasi oo adkeynaye ammaanka.

Shacabka Degmada Jowhar ayaa dareemayaa isbedel dhanka maamulka ah oo biloow ah Degmada Jowhar muddo sanado ah kadib.

Xaalada ayaa waxa ay tahay mid degan iyadoo dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dadka uu saaka caadi kusoo noqday.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.