Amiirka Shabaab oo ka hadlay qabsashada Jowhar,iyo Arimaha Kenya+(Dhagayso)

Muqdisho-(rajonews) Amiirka ugu sareeya Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay qabsashada Magaalada Jowhar arimaha iminka ka taagan dalka Kenya iyo sidoo kale waxa ka dhacaya Magaalada Gaarisa.

Cod maqal ah oo uu soo duubay Abuu Zubeyr ayuu kaga hadlay ciidamada Shisheeye ee ku sugan dalka Soomaaliya ee Dowladda caawiya isaga oo shegay inay ka guuleesteen.

Amiirka Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada Burundi iyo sidoo kale kuwa Ugandha dalka Soomaaliya ay kala kulmeen dhibaatooyin adag sida uu sheegay ay ugeesteen ciidamada Shabaab ee dagaalka ka wada dalka Soomaaliya.

Abuu Zubeyr fariinta uu soo duubay ayaa sidoo kale wuxuu sku sheegay in ciidamada dalka Burund iyo Ugandha dalka ay kala kulmeen jab iyo halaag xoogan oo uu sheegay inay hada ka taagan tahay yaa dalkiina idiin celiya.

Mar uu ka hadlaye ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobalada Koonfureed ayuu sheegay inay la kulmeen jab xoogan islamarkaana iminka ay la’yihiin sida uu sheegay meel ay kaga baxaan dalka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayuu sheegay inay udaba mareen dalkooda islamarkaana uu sheegay in waxa ka dhacay ay yihiin wax lawada arkayo oo dalka Kenya ay ka taagan tahay xaalad amni daro.

Magaalada Gaarisa ayuu sheegay sida loogu laynayo ciidamada Kenya ee dilalka qorsheysan loogu dilayo.

Khudbada uu soo duubay Abuu Zubeyr ayuu kusoo hadal qaaday Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo uu sheegay in ciidamada Shabaab ay ku sugan yihiin duleedka Magaalada islamarkaana xilli waliba ay weerar ku qaadi karaan.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

 

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.