Baarlamaanka oo maanta su’aalo weydiiyay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho(Rajonews)Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta su’aalo weydiiyay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kuwaasi oo malmahanba looga yeeraya Baarlamaanka hortiisa.

Labada Wasiir ee kala ah Gaashandhiga iyo sidoo kale Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ayaa xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay weydiiyeen su’aalo la xiriiraha howlaha wasaaradaahaasi iyo eedeymo loo heesto oo ay soo jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay weydiiyeen su’aalo la xiriira sababta maxkamada ciidamada qalabka sida ay uxirtay wariyaha Bbc-da ee Muqdisho.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa uga jawaabay in sababta maxkamada ciidamada qalabka sida ay uxirtay wariyaha Bbc-da ay aheyd in wariyaha uu sameeyay warbixin dhaawacaysa sharafta Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay su’aalo weydiiyeen Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan,iyadoo su’aalaha la weydiinaye ay la xiriireen sababta ka dambeysay in la kireeyo safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga iyo hantida qaranka ee dalka dibadiisa ku maqan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaliya ayaa ku jawaabtay inay kadaba tagi doonaan dhamaan hantida qaranka ee ku maqan dalka dibadiisa iyadoona sheegtay inay baaritaano ku wadaan sababta ka dambeysay in la kireesto safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa umahadceliyay labada wasiir sida ay maanta usoo xaadireen kulanka Baarlamaanka iyo sida wanaagsan ee ay kaga jawaabeen su’aalaha la weydiiyay.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.