Dhalinyarada iyo Gacanta ay ka Geeystaan Dilalka Qorsheeysan ee Dalka ka Dhaca+(Daawo)

Muqdisho-(Rajonews) Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu Hooy u noqday Kooxo kala Duwan oo mid waliba Dano Gaar ah wato ha ahaato mid Siyaasad ama mid Dano Shisheeye loogu Adeegayo ee,iyadoona ay Dilal Qorsheeysan  ay ka Dhacaan marwaliba Guddaha Dalka Soomaaliya.

Kooxaha Dilalku u dhexeeyaan aya inta badan ah Ururka Al-Shabaab oo iyagu ah Janno Doon una arka Qofwaliba oo Aragtidooda Gees mara in uu yahay Gaal(Murtad) ayna Xaq u leeyihiin in ay ku Janno Doontaan,iyagoona Ugaarsada Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliyeed iyo Cid waliba oo oo aan iyaga Dhinac Istaagin ama ay u arkaan in uu Aragtidooda lidi kuyahay.

Dhankale Dawlada ayaa ah mid dhinaceeda ka Wado Ugaarsiga lagu hayo Masuuliyiinta Kooxda Shabaab haddii ay ahaan lahaayeen Ajaanibta (Muhaajiriinta) iyo Soomaalidaba (Ansaarta),iyadoona Dowladu Howla Sirdoonka iyo Gacan ka Geeysiga Dilka Masuuliyiinta Shabaab u Adeegsada Dhalinyaro ay Dhaqaalo kusoo xero geliyaan balse aysan Ammaanka Dhalinyarada  wax xil ah iska Saarrin oo ay u adeegsadaan uun Hoowl Fududeeyn iyagoo ka faa,iideeysanaya Dhaqaalo Xumida iyo Shaqo la,aanta Dhalinyarada Soomaaliyeed ku heeysata Gudaha Dalka Soomaaliya.

Halka Shabaabtu ay iyagu aysan Wax Dhaqaalo ah aysan ku xero gelin Dhalinyarada ay u adeegsanayaan Fulinta Howlaha Isqarxinta iyo Dilalka Qorsheeysan ah,balse  Dhalinyarada Siiya Magacyo aad u qurux badan Sida Shahiid, Mujaahid, Muhaaajir, Ansaari, una Sheega in ay Janno Gelayaan sidaana ay ku heli doonaan 73-Xuural cayn ah,iyadoona Taasi ay Shabaab u fududeeysay in ay Helaan Dhalinyaro u Nugul Aragtidooda diyaarna u ah in ay Fuliyaan Howlaha Qorsheeysan ee looga Takhalusayo Masuuliyiinta Dowlada iyo Shaqsiyadka aan ku Aragtida aheeyn Ururka Al-shabaab.

Aqriste waxaad Qeeybta Hoose ka Daawan kartaan Qaabka ay Dowlada iyo Shabaabkuba u adeegsadaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee iyagu colaada iyo Rafaadka Indhaha ku kala furay,iyadoona ay ka Muuqato labbada Dhinacba in aysan jirin cid iska Xil Saarto Ammaanka Dhalinyarada ay u adeegsanayaan Howlaha Shirqoolka iyo Qoorgooynta ah ee Labbada Dhinac ay isku ugaarsadaan.

Seddaxda Wiil ee aad ka Daawan Doonto Muuqaalka Al-shaabab ka Diyaariyeen Dilkii Ajaanibta Bilaal Barjaawi iyo Abuu Uxud ayeey Kooxda Al-shabaab waxa ay ku Toogteen 23 Jul 2012 Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose,iyadoona taasi ay Muuqjineeyso sida ay Dowlada Soomaaliya Xil iskaga Saarrin Dhalinyarada Masaakiinta ah ee ay Dhaqaalaha ku howl geliyaan.

 

iyadoo Sidookale ay Dil Sugayaal yihiin Dhalinyarada kale ee ay Dilka Sheikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Kooxda Al-shabaab u adeegsadeen,taasoo iyana tusineeysa sida ay Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu dhax Baaba,ayaan Kooxaha Siyaasadaha kala Duwan wata ee Dalka isku Ugaarsanaya.

 

Halkan Ka Daawo Dilal Qorsheysan oo lagu dilay Ajaanib ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Halkan Ka Daawo Dil Qorsheeysan oo laga Takhalusay Wadaad Soomaaliyeed Q1.

Halkan Ka Daawo Dil Qorsheeysan oo laga Takhalusay Wadaad Soomaaliyeed Q2.

rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.