Qarax khasaare geestay oo ka dhacay Degmada Jowhar

Muqdisho(Rajonews)Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelah Dhexe waxaa halkaasi ka dhacay qarax khasaare geestay.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa wuxuu ka dhacay buundada kala qeybisa Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo uu khasaaro kasoo gaaray hal ruux.

Xilliga ay qarxaysay miinada ayaa waxaa halkaasi maraye hal rux oo sida la sheegay ahaa arday kaasi oo meesha durba ku geeriyooday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa durba gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay hayeeshe waxa ay meesha ku arkeen kaliya meydka wiil arday ah oo qaraxaasi ku geeriyooday.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay iminka ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa tan iyo markii ay la wareegeen Dowladda ka dhacay saddex qarax oo qaraxa maanta dhacay uu saddex ku yahay.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.