Qarax uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Dowladda oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho(rajonews)Qarax nooca gacanta laga tuuro ayaa xalay lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Al-shabaab ayaa durba sheegtay masuuliyada Qaraxaasi kaasi oo la sheegay inay ku dhaawacmay taliyihii ciidamada laanta Towfiiq oo magaciisa lagu soo koobay Korneyl Dabacade.

Taliyaha ayaa waxaa iminka lgu baxnaaninayaa isbiotaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada oo aan la xiriirnay ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan qaabka ay wax u dhaceen.

Degmada Yaaqshiid ayaa u muuqata mid habeenaadii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Sargaal uhadlay Al shabaab ayaa waxa uu sheegay inay dhaawac culus ugeysteen Taliye Daba-cade ii hogaaminayey ciidamada dawlada ee kusugan Laanta Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.