Qorshe Shabab Gobalka Gedo looga saarayo oo socda iyo saraakiisha dowladda oo ka hadlay

Muqdisho(Rajonews)Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa hanjabaad kulul jeediyay taasi oo ku aadan in Alshabaab ay ka wada saari doonaan gobolka Gedo.

Diyaad Cabdi Kaliil,oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugan gobolkaasi ay isku diyaarinayaan in Alshabaab ay ka sifeeyaan guud ahaan Gobalka Gedo oo ay iminka ka joogaan deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

Waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ka sameynayaan deegaanada gobolka Gedo gaar ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi maadama dhawaan Gobalka ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo tababar soo dhameestay.

Waxa uu yiri Diyaad Cabdi Kaliil “gobolada dalka oo dhan waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Alshabaab ,Jowhar iyo Mahadaay waa la qabtay,lagamana reebayo Baardheere iyo Buurdheere”.

Ugu dambeyn wuxuu xusay in Alshabaab awoodooda ay wiiqantay islamarkaana laga saarayo gobolada dalka Soomaaliya Gobalka Gedana dhawaan ay ka saari doonaan Shabaab idilkodba.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.