Saraakiisha Dowladda oo sheegay inay ugudbayaan wajiga labaad ee howlgalka Sh/dhexe

Muqdisho(Rajonews)Taliyaha Gaaska koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed C/laahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay guda galayaan wajigii labaad ee howlgalka Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Caanood ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay xaqiijiyeen gacan ku haynta Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi halkaasi oo ay dhawaan gaareen ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM.

Deeganada kale ee ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay shabaab ku sugan yihiin ayuu sheegay inay saacadaha soo socda ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay ku baxayaan islamarkaana ay kala wareegi doonaan Shabaab.

Ammaanka wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayuu sheegay in halkaasi la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo si buuxda u xaqiijinaya ammaanka.

Hanjabaada horta leh ee kasoo yeertay Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa imaanaysa iyadoo shalay ay gaareen Magaalada Jowhar wasiirka Gaashaandhiga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.