Wasiirki ugu horeyay ee Maaliyada Somalia Xaaji Cismaan Axmed Rooble oo Geeriyooday.

ALLAHA u raxmadee waxa xalay magaalada London ee carriga Ingriiska ku geeriyooday wasiirkii ugu horeeyay ee maaliyadda Soomaaliya Xaaji Cismaan Axmed Rooble, oo dhinaca kale ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Geerida Xaaji Cismaan waxa xaqiijiyay Axmed Cismaan Axmed, oo ah wiil uu dhalay marxuumka dhintay.

Axmed waxa uu sheegay in aabihii laga hayay muddooyinkanna ka cabanayay xanuun dhinaca kaliyaha ah, xalayna uu ku dhintay cisbitaal ku yaalla London.

Xaaji Cismaan Axmed Rooble, ayaa ahaa wasiirkii maaliyadda dowladdii uu hoggaaminayay Rabbi naxariistii janno ha siiyee isna madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan.

Meydka Marxuum Xaaji Cismaan, ayaa la rajeynaya in la keeno magaalada Muqdisho si aas loogu sameeyo.

Xaaji Cismaan Axmed Rooble, ayaa ku dhashay 1919-kii magaalada Muqdisho, waxana uu ifka kaga tagay 37 caruur ah oo isaga kaliya uu dhalay.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.