Ahlusuna oo ka hadashay qabsashada Degmada Jowhar ciidanka Dowladdana baaq ujeedisay

Muqdisho(Rajonews)Tan iyo waxi ka dambeeyay markii ciidamada dowlada ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee ku yaala Shabeelaha Dhexe waxaa soo kordhayay taageerada ka imaanaysa dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Ururka Ahlu sunna ee Gobolada Dhexe ayaa taageeray qabashadii Jowhar iyo degmada Mahadaay oo ay qabsadeen ciidamada huwanta kadib markii Alshabaab ay isaga baxeen halkaasi.

Masuliyiin u hadashay Ahlu sunna gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada ay ku guuleysatay xaqiijinta qabashada Jowhar iyo deegaano kale o ay ku sugnaan jireen Ururka Al-Shabaab islamarkaana taasi ay tahay horumar ballaaran oo ciidamada Dowladda Soomaaliay iyo kuwa AMISOM ay ku tilaabsadeen.

Ururka Ahlusna ayaa sheegay inay jiraan waajibaad saaran ciidanka qaranka oo ku aadan inay xaqiijiyaan amaanka dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga saaray Alshabaab balse kaliya aan la eegin deegaanka gacanta ay ku dhigeen cidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale Ahlu sunna ayaa ugu baaqday saraakiisha ciidamada dowlada inay saaran tahay waajib ah inay xoreeyaan deegaanada ay ku harsan yihiin Alshabaab.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.