Burcad badeed iyo Ciidamada maamulka Puntland oo ku dagaalamay Garacad

Muqdisho(Rajonews)Wararka ka imaanaya Degmada Garacad ee Gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah kadib markii ay ku dagaalameen ciidamada Maamulka Puntland iyo kooxaha burcada badaha.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ciidamada Booliiska Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen xeebta Degmada Garacad halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxaha Burcada ah ayna ku heesteen markab iyo shaqaalo la socday.

Wararka ayaa sheegayaa in dagaalka markii uu dhexmaray Booliiska iyo sidoo kale Burcada kadib ay soo gurmadeen diyaarad dagaal oo ay wateen ciidamada Mariniska Maamulka Puntland.

Inkastoo xaalada Degmada Garacad iminka ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada Booliiska iyo kuwa mariniska ay ku hareeraysan yihiin garacad,kooxaha Burcada badaha ay heestaan markabka shaqaalaha ay la socdaan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in iminka xaalada ay tahay mid degan islamarkaana la dareemayo saan saan colaadeed oo ku aadan kooxaha burcada iyo ciidamada Maamulka Puntland.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo ay dagaalamaan ciidamada maamulka Puntland iyo kooxaha Burcad badeeda Soomaalida,hayeeshe dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay heleen xog ku aadan in halkaasi lagu haayo Markab iyo shaqaalo afduub loogu heesto.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.