Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho(Rajonews) Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya Idiris Arnaauud Cali kadib markii uu marti qaad ka helay dhigiisa dalka Jabuuti.

Socdaalka Idiris Arnaaud Cali Guddoomiyaah Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya kuwaasi oo u yimid Magaalaa Muqdisho sidii ay kula ula qaadan lahaayeen Guddoonka Baarlamaanka.

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka kaasi oo soo dhaweynaya wafdiga ka tirsan dalka Jabuuti.

Guddoonka Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa horay ushaaciyay in maalint arbacada oo aamnta ku beegan ay imaan doonaan wafdiga ka tirsan Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Arintani ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu socdaal ku tagay dalka Jabuuti halkaasi oo uu kula soo kulmay masuuliyiinta dalka Jabuuti.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.