Gudoomiyaha Qurba Joogta Sweden ee Waqooyiga Galgaduud oo War Saxaafadeed soo saarey,

Sweden:(Rajonews) Gudoomiyaha gudiga qurba joogta Waqooyiga Galgaduud ee dalka Sweden Guhaad Shire jaamac Ayaa soo saarey jawaab celin kusaabsan war saxaafadeed dhawaan aay soosaareen qaar kamid ah Madaxda Maamulka degmadda caabudwaaq kaasoo ku aadanaa in qurba joogto la shaqayso Maamuladda deegaanka hadaba waatan jawaabtii Gudoomiye Guhaad Shire,

Aad baad u mahadsan tihiin walaalaal in aad na soo weydiisateen gacan anagoo ah qurba joogta daneysa horumarka waqooyiga galgaduud.

waxaan idiin sheegeynaa in la galay xili cusub oo ay bulsho walba tashatay, bulshada waqooyiga galgaduud degta gaar ahaan Caabudwaaq waa iney tashataa oo ay iyagoo odoyaashoodii iyo dhalinyaradoodii wata ay noola yimaadaan waxa iyaga aayatiin u ah bulshadooda.

waa la soo arkay umad kala duwan oo midba dhinac wax u wato iyagoo raacaya danahooda gaarka ah ama u adeegaya danaha deegaano kale marka haddii aan nahay bulshada qurba joogta ah waxaan ka siman nahay oo aan tageereynaa shaqsiga ay shacbiga bulshadu caleemo saarataan lakiin marnaba ma taageereyno qof iskiis dano kale u wata.

Mar walba qurba joogta reer sweden Waxaay diyaaar u tahey garab qabashadda bulshadda reer Waqooyiga galgaduud balse waxaa shuruud ah inaay noqdaan kuwo ayagu is rabba gacmahana is haysta,

 

Guhaad Shire Jaamac Juge

Gudoomiya Jaaliyadda Sweden,

Rajonews3@hotmail.com

 

One comment on “Gudoomiyaha Qurba Joogta Sweden ee Waqooyiga Galgaduud oo War Saxaafadeed soo saarey,

  1. Ina shire jaamac xaggeebaad uga tagtay Balanballe,Dhabad iyo bangeelle waxay ila tahay inay ka mid yihiin waqooyiga galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.