Odayaasha dhaqanka Jubbooyinka oo si kulul uga hadlay fara-gelinta Ethiopia ee Jubbooyinka+Dhageyso

Muqdisho(rajonews)Odayaasha dhaqanka ee  ku nool Gobaladda Jubbooyinka ayaa si kulul uga hadlay faragelin ay sheegeen in Dowladda Ethiopia ay ku hayso maamul usameynta Gobaladaasi.

Xuseen Xasan oo kamid ah Nabadoonada Jubbooyinka kuna sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia aysan marnaba faraha lasoo geli karin siyaasada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Ethiopia weligeed aysan ka shaqeyn maslaxada umadda Soomaaliyeed islamarkaana iminka ay doonayso inay qasto maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka.

Xuseen Xasan ayaa sheegay in Soomaalida ay yihiin dad isgaranaya oo heshiin kara balse aysan ubaahneyn gacmo shisheeye sida ay doonaan haku yimaadaane.

HALKAAN KA DHAGEYSO SULDAAN XUSEEN XASAN NAALEEYE

Dhawaan ayeey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia uu sheegay inay taageersan yihiin dadaalada Urur Gobaleedka IGAD ay ku doonayso maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.