Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka hadlay xariga lagula kaco Soomaalida dalkaasi

Muqdisho(Rajonews) Iyadoo shalay iyo maanta ciidamada ammaanka ee dalka kenya ay qab qabteen Soomaali badan oo dalkaasi Kenya kunool ayaa Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya waxa ay ka hadashay Soomaalida iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Maxamed Nuur Cali Ameeriko oo ah Safiirka Soomaalia ee dalka Kenya ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya uu kala hadlay Dowladda inaan xadgudub lagu sameyn karin islamarkaana ciidamada ammanka ay xireen Soomaali badan oo ay la xiriirinayaan inay ku lug lahaayeen qaraxyadaasi.

Wuxuu sheegay in masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya uu la leeyahay kulan ballaaran oo looga hadlayo sidii loosii soo deyn lahaa Soomaalida ku nool dalkaasi Kenya ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka.

Duqa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay qabteen dad badan oo Soomaali ah kuwaaasi oo uu tiro ahaan ku sheegay inay gaarayaan ilaa 400-kuwaasi oo Maxkmada lasoo taag doono sida uu sheegay.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa marti unoqday xarig ay kula dhaqaqaan ciidamada Booliiska ee dalkaasi Kenya xilliga ay dalkaasi ka dhacaan qaraxyo khasaare geesto.

Tan iyo makii uu dhacay qaraxii ka dhacay Masjidka Al-Hidaaya ee Xaafada Islii ayaa Soomaali badan maalin maalinta ka dambeysay xabsiga la dhigaye.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.