Saraakiisha ciidamada Dowladda oo faahfaahin ka bixiyay sababta Mahadaay ay uga soo baxeen

Muqdisho(Rajonews)Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dib uga soo baxeen Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo markii cidanka Dowladda ay qabsadeen Jowhar ay tageen Degmadaasi.

Maxamed Maxamuud Saneey oo kamid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaah Dhexe ahna Taliyaha hogaminaya ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalkaasi ayaa sheegay in arimaha ay uga soo baxeen Mahadaay ay tahay arimo milateri.

Wuxuu sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan amaro kaga yimaado Madaxda Dowladda Soomaaliya islamarkaana qorshaha uusan aheyn inay tagaan Degmada Mahadaay.

Ciidamada Dowladda Somaaliya ayuu sheegay in marka ay tagayeen Degmada Mahadaay ay ku tageen kaliya baacsiga sida uu sheegay ururka Al-Shabaab balse iminka ay dib uga soo noqdeen kadib amar kaga yimid madaxda dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayuu sheegay inay ku weerari doonaan meel waliba oo ay ka joogaan Gobalka Shabeelaha Dhexe islamarkaana deeganada Gobalka ay ka joogaan ay ka saari doonaan dhaman Gobalkaasi.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Markii ay gacanta ku dhigeen Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelah Dhexe waxa ay siitageen Degmada Mahadaay iyadoo ay iminka ay dib uga soo noqdeen.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.