Shabaab oo duleedka Degmada Jowhar isku uruursanaya iyo cabsi ka taagan Magaalada

Muqdisho(Rajonews)Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya duleedka Degmada Jowhar waxaa halkaasi ka taagan hub uruursi ay wadaan ciidamada Ururka Al-Shabaab ee ku sugan duleedka Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.

Qaar kamid ah beeraleyda Degmada Jowhar ayaa soo sheegayaa inay indhahooda ku arkeen ciidamo badan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab kuwaasi oo dhanka Degmada Jowhar kusii siqaya isalmarkaana dhanka Garonak Degmada Jowhar wadooyinka gala kusii siqaya.

Al-Shabaab ayaa wararka sheegayaan inay wataan gaadiid badan iyo ciidan kuwaasi oo doonaya inay weerar u qaadaan Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi halkaasi oo ciidamada Dowladda soomaaliya iyo kuwa AMISOM maalmo ka hor ay la wareegeen.

Ciidanka Shabaab ee duleedka Degmada Jowhar isku uruursanaya ayaa ujeedkooda waxaa hogaaminaya Sida aan wararka ku helnay Sheekh Yuusf Kaba dukudake oo ah Guddoomiyaha Shabaab ee Gobalka Shabeelah Dhexe.

Arintani ayaa kusoo aadaysa iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay isaga baxeen Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay sababta uga baxeen ku micneeyay arimo xeelad dagaal ah.

Dhawaan ayeey aheyd markii Afhayeenka dhanka dagaalada ee Shabaab uu shaaciyay in Degmada Jowhar ay kusoo biirtay faruumaha dagaalka ee ay kual dagaalamayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dadka Jowhar ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo ka cabsi qaba in Magaalada uu ka dhaco dagaal dhiig badan uu ku daato maadaama muddo afarsano ah Degmada Jowhar uusan ka dhicin dagaal.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.