12.12.12 (Arin Layaab-leh ayaa waxay kadhacday Sweden)+(Daawo)

Norrköping-(Rajonews) Maalinidii Shalay waxaay Aheeyd Maalin ay Dad badan oo Caalamka ku nooli ay ka Dhigteen Maalin Gaar u ah,iyagoona Sameeyay Wax yaabo ay Maalintaa Ku Xasuus-taan Waayaha Danbe ee Noloshooda.

iyadoo Taariikhdu ay aheeyd 12.12.12 ee Dhamaadka Sannadka 2012-ka ayeey Kumanaan Lamaane oo Dunida Dacaladeeda ku nooli ay ka Dhigteen Maalin ay Dhigtaan Aroos-kooda si ay Mustaqbalka ugu Sahlanaato Xusuus-ta Habeenkii Aqal Galkooda.
waxaase Arin layaableh ay ka Dhacday Magaalada Norrköping oo katirsan Dalka Sweden kadib markii Gabar Soomaali ah ay kasoo Muuqatay TV kamida kuwa ka Howl gala Magaaladaas, iyadoo kamid aheeyd Dadka Maalintaa ku beegneeyd 12-12-12-ka ay ka dhigtaan Maalin Taarikhiya.

Gabadhan oo lagu Magacaabo Fatima Mohamuud ahna Gabar Soomaaliyeed ayaa waxa ay la Aqal gashay Nin Ajnabi ah oo Lagu magaacbo Lars Higander oo isna u Dhashay Dalka Sweden oo Mudo Dheer ay ahaayeen Dad Saaxiibo ah ama Lahaa Xiriir Jacayl oo in mudo ah jiray.

fatima Mohamuud waxa ay aheeyd mid aad ugu faraxsan Guurka ay lagashay Lamaanaheeda Lars Higander,iyadona sheegtay in Xiriirkoodu uu muddo dheer soojiray ayna Qorsheeysteen in ay Maalintan Taarikhi ah ka dhigtaan Aqal galkooda,iyadoona Raacisay in ay tahay Maalinla Xusuusan karo oo Sahlan (12.12.12).

Fatima uma Muuqan Gabar Soomaaliyeed oo Dhaqan iyo Diinba iska ilaaw-day balse waxay aheeyd mid aad ugu faraxsan Guurka ay la Gashay Odaygeeda Lars Higander oo ay in muddo ah Saaxiibo ahaayeen.

Fatima Mohamuud ayaan aheeyn Gabadhii ugu Horeeysay ee Soomaaliyeed ee Guursata Nin aysan isku Diin iyo Dhaqan Toona aheeyn, iyadoona Dhoowr-kii Sanno ee u danbeeysay ay soobadanayeen Soomaalida Ajaanibta Guursata iyagoo Sabab ka dhiganaya in Raga ama Dumarka Soomaalidu aysan aheeyn Dad aan Nolosha Lamaane aan waxba Aqoon iyadoona midba midkale uusan u muujin Ixtiraamka iyo Wanaajinta uu kamudanyahay.

Halkan Ka Daawo Aroos-ka Fatima iyo Lars Higander.

http://www.sn.se/nyheter/nykoping/1.1636232

rajonews3@gmail.com

4 comments on “12.12.12 (Arin Layaab-leh ayaa waxay kadhacday Sweden)+(Daawo)

  1. waa yaab iyo ama kaak waxa uu ku fikirayo qoraagan iyo gabadha soomliyada isku sheegaysa horta nin gaal ah maguursan karaa gabar muslin ah qoraaqa marka aad rabto inaad qortaa waxaa is guursaday qabar gaaloowday oo soomali ah iyo gaal udhashay wadanka sweden ayaa is guursaday tan kale dhaqanka soomaliyeed waa kuu ka wanaagsan yahay tan gaalada sababtoo ah gaaladu maba ixtiraamaan dumarka waxay aamin san yihiin naagtan madow waxay ka jecelyihiin aygooda sababta waxuu moodayaa inuu gumaysto naagaha soomalidana waxaba kama garanayaan dhaqanka gaalada imisaa ayaan utaagnaa ladilay labah dilay sharcigana isaa ugu sareeya marka soomalida wax ku maah maahdaa ninaan dhul marin dhaayo maleh marka weel ha ugu dhicin raga soomaliyeed iyo gabdhahayaga sharafta leh ee dhowrsoon
    mahadsanid

  2. bismilaah raxmaani raxiim walalalyaal naagtaan gaalka qamrada la cabeyso waliba waxaaba iigu daran markii la mehrinaaye maxaa loo aqrinyaaye sxbayaal qoftaan so islaanimo kuma dhaln aaway waalidkeedii aaway diintii eey ku dhalatay subxaanalaah walahi odaygaan 10 years gudahoood waa duqoobaa kkkk lakin waxaa soo ogaaday naagaha somnaliyeed marka eey gaalo raacan waxa eey ku doortaan 1, MEEL AAN ALAAH RAALI KA AHEYN AYAA LAGA CUNAA WEYNA BARANEYSAA KADIBNA XAFAAYAD AYAY GASGHANEYSAA MARKA WAA WASAQ RAGA SOMALIYEED GABARTA XAASKIISA WUU U NAXARIISTAA MANA KU SAMEYAAN WAXYABAHAAS XUN XUN

  3. Ok waa wada salaama tihiin scw dhacdadan ma aha mid lala yaabo oo marka loo eego dadka nasabka sheegta waa wax iska caadi ah sababtoo soomaaliya waaba looga faanaa gabadheeni nin cadaana guursadey marka waxaa gaalkaa aan diina heysan waxaa reerkoda kala xun iyadoo guursato wiil beelaha la heybsooco ah hada intiina leh bismilaahi war gabadha maxaa qaatay waxaa idinkala xun nin aan nasab aheyn bey guursatay runta halaga hadlo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.