Ciidamada ammaanka dalka Kenya oo fashiliyay waxyaabaha qarxa oo ku aasnaa Islii

Muqdisho(Rajonews)Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ciidamada ammaanka dalkaasi ayaa qarxiyay waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasnaa.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Kenya ay gaareen xaafada Islii islamarkaana halkaasi ay ka sameyeen howlgal ayna ugu suura gashay inay qarxiyaan waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasnaa.

Qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaanka ay qarxiyeen waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasnaa.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa weli wada howlgal ujeedkiisa yahay xaqiijinta ammaanka Islii islamarkaana aysan jirin markii ay qarxiyeen qaraxa cid ay waxyeelo kasoo gaartay.

Islii ayaa noqotay meel ay inta badan ka dhacaan qaraxyo dhibaato kala duwan kasoo gaarto dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi iyadoo qaraxii ugu dambeeyay uu ka dhacay Xaafada Islii gaar ahaan Masaajidka Al-Hidaaya.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.