Dhismaha Madaxtooyada D-Goboleedka Galmudug oo Maanta Xarriga laga Jaray+(Sawirro)

Galmudug-(Rajonews) Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo Qeeybta Maamulka Galmudug xariga looga jaray Xarun Dhismeheedu dhowaan uu soo dhamaaday oo loogu talagay in ay Madaxtooyo u noqoto Maamul Goboleedka Galmudug ee Bartahama Soomaaliya.

Xaflada Furritanka ayaa waxaa ka Qeeyb Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu kamid ahaa Madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale Qeeyb-diid, Golaha Wasiirada Galmudug, Xubno Baarlamaanka katirsan Gamudug ka tirsan iyo Masuuliyiin kasocday Dowlada Soomaaliya Gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir.
Masuuliyiinta kasoctay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kamida Dhoowr guddoomiye Degmooyin iyo Ganacsato katagay Magaalada Muqdisho Maalinimadii Talaada iyagoo gaalkacyo u tagay sidii ay Qeeyb uga noqon lahaayeen Xaflada Furritaanka Madaxtooyada Galmudug.

waxaa Kamida Masuuliyiinta Muqdisho kabaxday si ay uga Qeeyb galaan Xaflada Furritaanka Madaxtooyada Galmudug.
1. Max’ed Abuukar Jacfar Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag
2. Max’ed Cali Axmed Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab
3. C/qaadir Max’ed Baree Wasiiru dowlihii Hore ee Wasaarada Waxbarashada
4. Jawaahir Baarqab Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir
5. Deeqo Axmed Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada iyo Masuuliyin kale oo ka tirsan Dowlada Somaliya.

waxaa dhankale jiray Masuuliyiin kasocotay Dowlad goboleedka Puntland oo iyaguna ka qeeyb galay Xaflada Furritaanka Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug,iyadoona ay kamid ahaayeen Masuuliyiinta Dhanka Puntland kasocotay Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo ah Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Masuuliyiin kale oo lasocotay Guddoomiye Jaamac.
Galmudug ayaa Dhoowrkii bilood ee ina Dhaafay ku jiray Xaalad Khilaaf iyo is qabqabsi ah oo udhaxeeysay Madaxweyne-yaal dhoowr ah oo mid waliba uu ku andacoonayay in uu isagu yahay Madaxweynaha Galmudug,balse Xafladan Furritanka ayaa Meesha kasaareeysa Khilaafadkii hore iyo masuuliyiintii kale ee sheeganeeysay Madaxweyne-nimada Galmudug.

 

rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.