Gacan ku dhiiglihii dilay Nabadoon Maryacade oo gacanta lagu soo dhigay qirtayna dilka nabadoonka

Muqdisho(Rajonews)Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ayaa Sheegay in Eedeysanihii loo heystay dilka Gudoomiyihii Golaha Odayaasha dhaqanka Hiiraan Sheekh Muxumed Maryadde uu qirtay eedeymaha loo heysto ee ah inuu isaga dilay Odayga.

Korneyl Isaaq Cali C/lle oo ah Taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Beledweyne ayaa wariyayaasha u sheegay in eedeysane Mukhtaar Xasan Maxamed uu qirtay falkaasi dilka ah, wuxuuna u sheegay Saraakiil isugu jiray AMISOM iyo Milatary-ga Soomaaliya in amar kasoo baxay AL-Shabaab uu Gudoomiyaha ku dilay.

Taliyaha wuxuu sheegay in Booliska lagusoo wareejiyay eedeysanaha si ay su’aalo dheeraad ah usii weydiiyaan.

Mukhtaar waxaa la xiray in cabaar ah kadib markii Gudoomiyaha lagu dilay Magaalada Beledweyne, dhamaadkii bishii lasoo dhaafay.

Gacan ku dhiiglahaan qirtay eedeymaha loo heysto ayaa la sheegay in Shabaab ay kasoo direen degmada Beledweyne si uu u qaarajiyo Sheekh Maryacadde oo dilkiisa maalin ka hor loo magacaabay Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Hiiraan.

 Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.