Guddoomiyaha Maxkamada ciidanka oo Jowhar socdaal ku tagay

Muqdisho(Rajonews)Sida uu u sheegay wariyaha Warbaahinta rajonews.com ee Magaalada Muqdisho Afhayeenka Gobalka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro waxaa halkaasi goordhaweyd gaaray Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya.

Generaal Xasan Xuseen Muungaab oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Muungaab oo ah Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan cali yaroow iyo qaar ka tirsan xeer ilaaliyaasha maxkamada.

Ujeedka ay u tageen Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabelaha Dhexe ayaa waxa ay tahay inay halkaasi ka furaan maxkamada ciidanka oo lagu maxkamadeynayo ciidamada dowladda ee dhibaatooyinka geesta.

Sida uu horay uga dhawaajiyay Guddoomiye Muungaab goobaha ay qabsadaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay inay marwaliba geynayaan Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Goordhaw ayaa laguwadaa inuu la hadlo warbaahinta marka uu kulan la qaato Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.