Guddoonka Baarlamaanka Jabuuti oo sheegay in Shabaab dhibaato adag ka wadaan Soomaaliya

Muqdisho(Rajonews)Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud cali ayaa sheegay in Shabaabka Soomaaliya ay geestaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka ammaanka.

Idiris Arnaa’ud Cali ayaa wuxuu sheegay in Shabaab ay dadka si maalaayacni ah udilaan islamarkaana ay jecel yihiin laynta umadda Soomaaliyeed in la iskaqabtana ay wanaagsan tahay.

Afhayeenka Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa wuxuu sheegay in Shabaabka Soomaaliya ay sameeyaan waxyaabo qaarkood lala yaabo islamarkaana ay yihiin dhibaatooyin aan Soomaalinimo ahaan loo sameyn karin.

Idiris Arnaa’ud Cali Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay in Shabaab ay dadka laayaan islamarkaana dhacdooyinka la yaabka leh ay sameeyaan ay kamid tahay qof masaajid kasoo baxay inay dilaan.

Si taasi loga gubdo ayuu sheegay inay lama huraan tahay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay wacyigelin usameyaan dhalinyarada kujira Al-Shabaab ee Dowladda Soomaaliya dagaalka kala soo horjeeda.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan ay tahay ujeedka ay ujogaan inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ayna ka damqadeen dhibka Soomaali haysata sidaasna ay ugu soo gurmadeen.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah Dowladdaha sida aadka ah u taageera Dowladda Soomaaliya ciidamana ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

 Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.