Kismaayo oo rag Shabaab lala xiriiranayo ciidamada Dowladda ay qabteen

Muqdisho(Rajonews)Sida dadka deegaanka ay noo sheegeen howlgalkii ugu balaarnaa ayaa ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM waxay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagula dagaalamayay ciidamo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya xaafadaha magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada dowlada ayaa waxay kusoo dhigeen rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo kuwo xiriir la leh kuwaasi oo ku sugnaa xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo.

Shalay gelinkii dambe iyo xalay ilaa saaka ayaa la sheegayaa in howlgalka uu ka socday xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa joogteeyay howlgalka ammaanka ay ku xaqiijinayaan islamarkaana ay ku sugayaan ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi Jubadda Hoose.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.