Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay arimaha Jubboyinka iyo dhalinta isbaarada laga qaaday

Muqdisho(Rajonews)Isaga oo ka hadlaye Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Gobalada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay in Jubbooyinka ay kamid yihiin dalka Soomaaliya Dowladda Kenyana ay door ku leedahay arimaha Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay muujisay taageero ballaaran oo u hayso shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda intaba islamarkaana aysan jirin arin ay ku kala duwan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee laga qaaday goobaha isbaarooyinka inay Dowladda Soomaaliya uwado qorshayaal kala duwan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuuu sheegay in Dhalinyarada laga qaaday isbaarooyinka aysan macnaheedu aheyn inay iska kala tagaan isaga oo tilmaamay inay usocdaan qorshayaal.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada loo kala qeybinayo qof waliba iyo xirfada uu yaqaan isaga oo tilmaamay in intii ku biiri karta ciidamada ammaanka Dowladda lagu darayo qaarna loo sameynayo dhaqancelin.

Inay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka ayuu sheegay inay udiyaariyeen dhalinyaradaasi islamarkaana iminka Degmooyinka qaarkood ay ka socdaan diiwaangelin lagu diiwaan gelinayo dhalinyaradaasi.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Kenya ay door muuqato ku leedahay siyaasadaha iminka ka taagaan Gobalada Jubbooyinka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.