Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka Jabuuti

Mogadishu, Somalia,December,13, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyo,waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Rooble.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Soomaaliya kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii. ” dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” saasna waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.