Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay

 

Weeraryahanka reer Farance ayaa laga qaaday garoonka kulankii Arbacadii ay kooxdiisu la ciyaartay Celta Vigo kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray lugta, waxana uu tababare Mourinho sheegay in laga yaabo in Benzema kulanka kale ee ay kooxda Real dheelayso uu safan karo.

“Waxaan filayaa in Benzema uusan berri ciyaari karin, mana jiro dhaawac labo maalmood uu ciyaaryahanka kaga bogsan karo oo uu safan karo,” ayuu Mourinho ka sheegay shir jaraa’id.

Tababaraha naadiga Blancos waxa uu si weyn u amaanay tababaraha kooxda Espanyol ee Javier Aguirre habka ay kooxdiisu kubbada u ciyaarto iyo anshaxa uu baro kooxda.
“Espanyol waxay leedahay tababare aan aad u jeclahay. Kooxdiisa waa mid soo jiidasho leh shaqo wanaagsan ayayna qabtaan,”ayuu yiri Mourinho
rajonews3@gmil.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.