2 ciyaartoy oo loo diiday koobka Africa 2 ciyaartoy oo loo diiday koobka Africa

Tababaraha Nigeria Stephen Keshi ayaa qiray in labo ka mid ah ciyaartoydii uu u wadan lahaa tartanka qaramada Africa ee Africa Cup of Nations loo diiday in ay xulkiisa ku soo biiraan.

Mid ka mid ah ciyaartoydaasi wuxuu u ciyaaraa Newcastle waa Shola Ameobi, macalinka kooxdaasi Alan Pardew ayaa si cad u sheegay in weeraryahankiisa uusan  aadi doonin South Africa.

Ciyaaryahanka kale oo isla horyaalka England ka ciyaara waa Danny Shittu kaasoo difaaca ugu ciyaara Millwall.

Diidmooyinkaasi waxey ka careysiiyeen xiriirka kubadda cagat ee NFF kuwaasoo ku dhaartay in ay ku dacweyn doonaan Fifa hadii ay soo deyn waayaan.

Labada ciyaartoyba waxaa loo magacaabay xulka Nigeria in ay ugu weybgalaan tartanka 19ka January  illaa 10ka February ka dhici doona South Africa.

Nigeria waxey la ciyaari doontaa Zambia, Ethiopia iyo Burkina Faso oo ay ku wada jiraan Group C.

 

X-Ciyaaro.com

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.