Dhagayso: Masuul ka warbixiyay dilkii Nabadoon Qalinle

USA-(Rajonews) Kaddib markii maalinimadii Qamiistii shalay ay kooxo hubeysan si xun ugu dhaawaceen magaalada Kismaayo nabadoon Ismaaciil Qalinle oo si weyn looga yaqiinay gobolada Koofureed ee Soomaaliya, kaddibna dhaawacaas awgiis uu isla fiidnimadii isla Qamiista ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa saxaafadda qaabka uu weerarkaas u dhacay uga warbixiyay Axmed Maxamuud Cabdisalaan oo ah Xoghayaha Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka.

Xoghayaha ayaa waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in waqtigaan la joogo oo la rabay in ay Soomaalida isu soo dhawaato in ay wali muuqdaan kooxo wali u ooman daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, asaga oo dhinaca kalena sheegay in maamulka KMG ah ee hadda Kismaayo ka taliya uu ka mas’uul yahay dilka nabadoon Ismaaciil Qalinle arrintaasna loo hayo cadeymo ay ka mid yihiin dar-daarankii laga qoray Allaa u naxariistee marxuum Qalinle inta uusan dhiman iyo kuwo kaleba.

Wareysigaan oo dhinacyo badan taabanyo oo uu caawa Xoghaye Cabdisalaan Qad Taleefan wareysi kula yeeshay wariye Kaafi Yuusuf Aden hoos ka dhageyso:

Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhan

Kaafi Yuusuf Aden, kaafi103@gmail.com

 

Rajonews3@gmail.com

 

 

 

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.