Soomaalida iyo Sifooyinka guurka.

Guur-(Rajonews) Ummad kasta oo dunida ku guud nooli waxay leedahay dhaqan iyo caadooyin kale oo ay ku faanto, dadka soomaaliyeedna waxay kamid yihiin bulsho weyntaas aynu soo tilmaanay waxaanay leedahay dhaqan la odhan karo 99% wuxuu ku salaysan yahay diinteena islaamka,waxaa kale oo ay leedahay suugaan aad u qiimo badan oo had iyo goor la qoob wadaagi jirtay heerarka nolosha, iyo hadba wixiikale ee bulshada si guud ama si gaar ahaaneed uu lasoo gudboonaada.

Guurku wuxuu tusmo u yahay habka uu qoys u dhismo qoys kaas oo ah unuga bulshadu ka tafiiranto,haddii dhismaha guurku habaabo waxaa uu la yimaadaa bulshada oo dhami kharribanta, waana taas mida ILAAHAY {sw} u soo dejiyay habka guurka islaamka kudhisan, si looga fogaado in fawaaxish iyo fidno dhalinayarada la deristo.

Haddaba innaga bulshadeena waxaa gabdhaha loo guursan jiray dhawr qaab kuwaas oo illaa hadda qaar ka mid ahi jiraan,waxaanay qaababkaasi u kalabaxaan sidan :-

Geed-fadhiisi (Guur Xarago)

Waa gabadha oo loo soo geed fadhiisto reerkoodana laga soo doonayo waalidkeedna si sharaf leh loo weydiistay, masuulkeedina si milgoleh u bixiyay.guurka qaabkan ahi waa ka ugu qiimaha iyo sharafta badan bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, wiilka iyo gabadhuna waa mid ay ku faanaan.

Masaafeysi

Guurka qaabkan ahi waamid ku yimaada wiilka iyo gabadha is rabay ooka cabsi qaba In la isu diido ama lagu xidho yarad aanu wiilku awoodi Karin waxa kale oo uu ku yimaada in gabadhu ka baqato in lasiiyo nin aaney rabin, marka wiilka iyo gabadhu isla tegaan oo isa soo mehersadaan kadib ayaa odayaasha wiilku u yimaadaan gabadha waalidkeed oo yaradkii iyo sooryaddii hore bulshada ugu jideysneyd oomarkan {masaafeysiga kadib}la yidhaahdo hibo bixiyaan iyagoo leh ?gabadha noo hibee, wiilka iyo gabadhana isugu ducee?.

Dhabar garaac

Guurka noocan ahi waa gabadha oo xoog lagu kaxaysto oo wiiilka oo ay weheliyaan ragg saaxiibadiis ama ehelkiisa ahi ay xoog ugu kaxaystaan, waxase ka horeeya inay ahaayeen labada qof, dad is raba balse gabadhu ay ku xidhay inanka in waalidkeed uu weydiisto taas oo wiilku ka cabsi qabo in la siin waayo inanta,ama lagu xidho duunyo aanu awoodi Karin, amaba gabadha oo nin kale la raboin la siiyo taas oo aanu wiilku kula loollamikarin xagga yaradka. Guurkana dhinac waxay iskaga mid yihiin midkii hore aynu u soo xusney ee masaafeysiga.

Xigsiisan:-? Xanaano? Ubbad

Kolka ninka xaaskiisu dhimato meeshana ubad jiro ayaa gabadha walaasheed ninka la siiyaa si ay u xanaanayso ubbadka walaasheed ka dhimatay ee habar-yarka u tahay, maxaa yeelay waa qofka ugu dhaw ee carruurtan rajada ah xanaaneyn karta, guurka qaabkan ahi waa mid dhinac bulshada waxtar weyn uga leh waxaana loo jideystay inaaney carruurtu dayacmin, qoyskii xididka ahaana aanu kala furmin, waayo gabadha ayaa ah duntii isu haysay labada qoys, soddoga iyo sodohduna waa isla kuwii carruurta waalidka u ahaa ,. Gabadh kasta oo la guursadaana xurmada yaradka iyo sooryada waa laga bixiyaa, aalaaba haddii ninku xumaa ama gabadhii hore uu xumeeyay lama siiyo gabadha danbe ee xigsiisanka ah.

Dumaal:- Dayreel-ubbad

Guurka noocan ah waxay ood-wadaag yihiin ka aynu kor ku xusney ee xigsiisanka, wuxuu yimaadaa gabadah/oorida oo saygeedu ka dhintay oo walaalkii ka dib guursado, waa isla sidii hore oo waxaa la rabaa in ninkani xanaaneeyo carruurta uu adeerka u yahay, labadii reer ee xididka ahaana siiahaadaan xiddidkoodii, haddii ninka wax dumaalayaa yahay nin xun waxa haweenayda lasoo gudboonaada dhibaato iyo in ay diido ninka, sidaasna carruurta iyo maalkaba lagala wareego oo reerkii ay u dhaxday xumaani dhexmarto, kolkaasna xanaanadii iyo daryeelkii carruurtu gacanta u gasho nin aan xaaladooda xog-ogaal u ahayn.

Godob-reeb

Guurkani waa mid biyo-dhiciisu yahay nabadeyn waxaana looga danleeyahay arrimaha ammaanka waxaaney ku imaan jirtey nin godob laga galay in gabadh lasiiyo sida guurka magaciisa ka muuqata,laguna ilawsiiyo goddobtii laga galay,. Waxaa la yidhi Meel xinjir ku daadatay Xab-baa lagu bururiyaa, guurkani maaha mid inta badan caan ah ama marmar ayuu dhacaa hadana xilkii iyo xurmadii waa halkoodii.

 

Fikradii Yasiin C/raxin
Diyaariyey:Dayib

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.