fannaanada Shamso M. Foot oo Hees ka Sameeysay Dilka iyo Tacadiyada lagu hayo Saxafiyiinta Soomaalida+(Daawo)

Wariye- (Rajonews) iyadoo Sannadkan Guddihiisa Dalka Soomaaliya lagu dilay Wariyayaal Soomaaliyeed oo Tiradoodu ay kor dhaafeeyso 14-tan Wariye ayeey Wali socodaan Dhaleeceeynta loosoo jeedinayo Kooxaha ka Danbeeya Dilka Saxafiyiinta lagula kaco.

Koox Fannaaniin Soomaaliyeed ah ayaa waxay Soosaareey Hees ay uga Hadlayaan Tacadiyada Baahsan ee lagu hayo Bahda Saxaafada Soomaaliya,iyo Dilalka bareer-ka ah ee ay Saxafiyiintu kala kulmaan Kooxaha isku haya Siyaasada Soomaaliya.

Heestaan oo ay Qaadayaan Fannaaniinta kala ah Shamso M.foot, Nimco Dareen,C-gaas iyo Kamaaludiin ayaa waxaa Miraheeda Sameeysay Shamso maxamed Foot iyadoona ugu Magac dartay Soomaalay wax inoo danna ayaan idin dareensiine,ayeey Fannaanadu ku muujisay sida aysan munaasab u aheeyn Dilka Xaqdarada ah ee lagu hayo Wariyayaasha Soomaaliyeed.

Haddaba Halkan Hoose ka Daawo Heesta laga Sameeyay Dilka Wariyayaasha Soomaaliyeed.

 

Cabdale Maxamed Cabdi  

rajonews3@gmail.com

Mogadishu,Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.