Golaha Wasiirada oo maanta balamo kuwada galay Aqalka Madaxtooyada

Muqdisho(Rajonews)Kadib kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay arimaha ammaanka dalka Soomaaliya iyo arimaha Dowladda.

Kulanka oo uu shirgudoominaye Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa kuwada suganaa dhamaan Golaha wasiirada iyo sidoo kale wasiir ku xigeenada marka laga soo tago labo wasiir oo dalka dibadiisa ku maqan.

Markii uusoo dhamaaday kulanka kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka Warfaafinta Boostada Iyo Isgaarsiinta Xukuumadda SOomaaliya C/laahi Ciil Mooge Xersi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda SOomaaliya ayaa shegay in golaha wasiira ay balamo kuwada galeen halkaasi isaga oo sheegay in balanta ay aheyd in 100-maalin marka ay jirsadaan wasirada cusub ee Soomaaliya lasoo bandhigo waxqabadka wasaaradahooda.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in loosoo bandhigayo waxqabadka Golaha wasiirada iyo weliba wasiir kasta waxqabadkiisa maadaama loo baahan yahay in shaqo la qabto.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in kulankooda maanta lagu soo hadal qaaday sidii ay golaha Wasiirada ee dhawaan la dhameystiray  shaqada u qeybsan lahaayeen wasiirada, kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha islamarkaana loo dardar gelin lahaa howlaha Qaranka loogana soo dhalaali lahaa Mas’uuliyadda ay dusha uriteen.

Wasiirada cusub ee dalka Soomaaliya ayaa dhaarintooda waxaa kasoo wareegatay muddo 45-cisho ah tan iyo markii la dhaariyay waxaana marka loo eego in 100-maalin lagu soo bandhigayo shaqadooda ay noqonysa inay u hartay kaliya 55-cisho.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.